How to Respond to Hate Crimes and Hate Incidents

Sida loog fal-celiyo dembiyada iyo dhacdooyinka nacaybka ku dhisan

  • Fal-dembiyeed nacayb waa dhacdo lagula kaco qof ama hantidiisa taas oo ay dhiirigelisay dulmanaha midabkiisa, diintiisa, dhalasha ahaan meesha uu ka soo jeedo, qawmiyadiisa, jinsigiisa, naafo-nimadiisa, iyo mararka qaar, doorashada xidhiidhkiisa jinsi amase sida uu jecelyahay in uu jinsigiisa u qeexo.  Dhacdadan waxa ay noqon kartaa gacan-ka-hadal, weerar dhanka afka ah iyo in la soo weeraro hantidaada.
  • Hadii aad la kulanto qof la aflagaadaynayo ha ka hortagin dembiilaha. Taas dhigeeda, xidhiidh sheeko la samee dulmanaha isna illowsii dembiilaha. Kala sheekayso mawduucii kugu soo dhaca una samee dulmanaha meel aamina ilaa inta uu ka tegayo dembiiluhu. Hadii ay muhiim noqoto u kaxee dulmanaha meel aamin ah.
  • Waxa ay tahay in la sameeyo ka dib dhacdo ama fal-dembiyeed nacayb ku dhisan:
    • Hadii lagu soo weeraro ama aad dareento khatar, wac 911 sida ugu dhakhsaha badan
    • Raadso daryeel caafimaad iyo maskaxeed. Hayso waraaqaha la xidhiidha daawayn kasta oo aad hesho.
    • Diiwaan geli dhacdada. Qor waxa dhacay, luuqada la isticmaalay, hadiii ay suure tahayna sawiro ka qaad.
    • Soo sheeg. Si dhacdada wax looga qabto, loona hubiyo inaanay dad kale la kulmin caga-juglayntan, usoo sheeg CAIR.
    • Hadii aanad ku jirin xaalad degdeg ah, misna aad ka werwersan tahay xaaladaada qaxoontinimo/magan-ngalyo doon, Fadlan kala xidhiidh sharci-yaqaan dhanka qaxoontinimada ah sida warbixinta dhacdadani ula xidhiidhi karto kiiskaaga magan-galyo doon.

Know Your Rights as an Employee

Ogow xuquuqdada shaqaale ahaan

  • Koox Xuquuqeedka Todobaad (Title VII), Xeerka Xuquuqda Madaniga ee 1964 wuxu ka hortagaya shaqaalaysiinta cunsurinimo ee ku dhisan isir, diin midab, halkaad dhalasho ahaan ka soo jeedo iyo jinsigaaga ee ay sameeyaan qaybaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba kuwaas oo haysta shaqaale ugu yaraan ah 15. Koox Xuquuqeedka Todobaad  (Title VII) waa sharci heer federal ah oo ku dabaqmaya dhammaan waddanka.  Gobolkaaga waxa laga yaaba inuu leeyahay sharci la mid ah ama ku darayaa ilaalin dheeraad ah oo hoos imanaya sharcigan.  Caawinta sharciga ee heer gobol eeg cutubka CAIR ee madaniga.
  • Koox Xuquuqeedka Todobaad (Title VII), wuxuu kuu damaanad qaadayaa inaad:
    • Ogolaansho diimeed oo macquul ah hesho: Loo shaqeeyuhu waa inuu si macquul ah u aqbalo aaminaada iyo ku camal-falka diimeed ee shaqaalihiiisa hadii aanay aqbalaadani sababayn culays daran oo ku imanaya shaqada ganacsigiisa. La’aanta aqbalaadiisa ee aaminaada iyo ku camalfalka diinta ee shaqaalihiisu waxay noqonaysa takoor dhinaca shaqaalaysiinta ah. ‘Ku camal falka shaqo’ waxa ka mid ah in laguu ogolaado inaad gadh yeelato, lagu siiyo waqti aad ku tukato, u bixi karto Salaadda Jimce ama xidhato xijaab.
    • Caddaalad ka hesho shaqaalaysiinta , eryidda, iyo dallacsiinta: Qofka aad u shaqayso waa ka mamnuuc inuu u eego diin marka uu go’aan ka gaadhayo xaaladaada shaqaalaysiinta.
    • Hesho degaan shaqo oo aan cadaawad lahayn: Qofkaad u shaqaysaa waa inuu hubiyo inaanad la kulmin aflagaado Muslimka lagag soo horjeedo, caga-juglayn amase dalab diin baddalineed oo aan loo baahnayn xad dhaafna ah.
    • Ka cabato takoorid adiga oo aan ka baqayn aargoosi: Sharciga Federaalku wuxuu kuu ogolyahay inaad soo sheegto takoor kasta oo shaqo la xidhiidh. Waa sharci darro in qofka aad u shaqayso kaa aargoosto markaad ka cabato takoor.
  • Marka aad la kulanto takoor shaqada ah:
    • Ahaw mid deggan oo edeb leh.
    • Ka warbixi cidda aad filayso in falalkoodu ay yihiin takoor.
    • U soo gudbi falalka takoor maamulka shirkadda iyagoo qoraal ah.
    • Bilow inaad diiwaan gashato falalka takoor adigoo waraaqo ku qoraya, Kaydinayana liis tafatiran, qorayana markhaatiyada joogay iyo cabashadaba. Hubi inaad ka haysato nuqul shay kasta. Waa muhiim inaad haysato “ raadraac waraaqaysan” oo caddaymo ah.
    • Ha saxeexin wax waraaq ah ama ha is casilin adiga oo aan la tashan abukaate.
    • La xidhiidh CAIR si aad warbixin u soo gudbiso.

Know Your Rights for Public School Students

Ogow xuquuqdaada oo ku waajahan ardayda dhigata dugsiyada dadweynaha

La soco, Xuquuqahan soo socda waxa lagu dabbaqi karaa dugsiyada dawladda iyo kuwa kale ee hela lacag dawladeed oo kaabis ah. Hadii aad dhigato iskuul gaar loo leeyahay, la xidhiidh qaybta kuu dhow ee CAIR (Golaha Xidhiidhka Islaamka ee Maraykanka) hadii aad la kulanto wax dhib ah..

  • Hab labbis
    • Waa inaad xidhataa xijaabkaaga ama koofiyadaada, ama isu dabool sidii kale ee kula saxnaata, xataa hadii dugsigu leeyahay hab labbis ama dirays la isaga baahan yahay.
    • Hadii aanad doonayn inaad ka qayb qaadato waxqabad dhinaca iskuulka ah kaas oo u baahan inaad xijaabka iska bixiso ama umuujiso jidhkaaga qaab diintada wax u dhimaysa, sida dabbaasha, waa in iskuulkaagu ku siiyaa beddelka waxqabadkaas
    • Hadii aanad doonayn inaad ka qayb qaadato waxqabad kaasoo keenaya in aad xidhiidh dhow la samayso ama taabato qof jinsigaaga ka duwan, waxa aad codsan kartaa beddelkiis ( Waxqabad kale).
    • Waxa aad xaq u leedahay in aad xidhato dhar ciyaareed dabboolan oo asturan marka aad ka qayb qaadanayso dhacdooyinka ciyaaraha. ( Tusaale, Dugsigaagu kuuma diidi karo inaad ka qayb qaadatid tartanka dabbaasha isagoo sababaysanaya go’aankaaga diimeed ee aad ku xidhanayso dharka asturan ee dabbaasha.)
  • Fasaxyada iyo Salaadaha
    • Dugsiyadu kuma ciqaabin karaan ardayda ka maqnaanshaha dugsiga ee maalamo fasaxeedyada diinta. Waa inaad hore ka sii codsataa maalinta fasaxa ee Ciidda.
    • Waxa aad u tukan kartaan keli ama koox ahaan inta lagu guda jiro wakhtiga iskuulka. CAIR (Golaha Xidhiidh Islaamka ee Maraykanka) Waxa ay kugula talinaysaa in aad tukato xilli aan ku beegnayn hawlaha iskuulka ama waqtiga xiisadaha.
    • Dugsiga waajib kuma aha inuu ku siiyo qol tukasho oo cayiman, balse ardaydu waa inay heli karaan meel ku habboon tukasho/salaadda.
    • Waxa suuro gal ah in laguu ogolaado inaad iskuulka ka baxdo Salaadda Jimcaha daraadeed, laakiin taasi markasta laguma damaanad qaadi karo. Waa inaad la xidhiidhaa saraakiisha maamul ee dugsiga haddii aad tan rabto.
  • Cawaandada iyo caga-juglaynta
    • Sharciyada goboladu waa kala duwan yihiin balse guud ahaan waxay u baahan yihiin in dugsiyadu:
      • Kaa ilaaliyaan caga-juglaynta iyo takooridda,
      • Mamnuucaan cawaandadda ku dhisan diinta, midabka iyo dhalashada iskuuladuna waa inay shuruucdooda cawaandadda dadwaynaha u soo badhigaan.
      • Lahaado hab-raac baadhitaan oo ku saabsan cawaandadda. Hadii aad u sheegto macallin ama qof wayn oo kale oo iskuulka jooga in lagugu cawaandoonayo, waa inay sameeyaan wax ay kugu caawinayaan.
      • Hubiyaan inaa lagugu ciqaabin soo sheegidda cawaanadada amase caga-juglaynta amaseba codsashada ku camal-falka diintaada.
    • Waa maxay cawaanadadda?
      • Cawaandaddu waxay u dhici kartaa iyadoo qof ahaan ah, qoraal ah, farriin ah, am hab online ah oo la soo dhex marinayo ciwaan amase baraha bulshada.
      • Cawaandaddu waxa ay u dhaxaysaa takoorid ilaa aflagaado afka ah ilaa iyo gacan ka hadal, badanaana waxa ay socotaa muddo dheer.
      • Cawaandaddu waxa ay yeelan kartaa qaabab badan, kuwa ugu caansan ee ardayda Muslimiintu la kulmaan wax ka mid ah in lagaa dhufto masarka amase koofiyadda, lagugu cadaadiyo inaad diin kale gasho, in fasalka dhexdiisa lagu sameeyo Faallooyin cay ah oo ku saabsan Islaamka  , iyo gacan ka hadal.

Know Your Rights While Traveling

Ogow xuquuqdaada markad socdaalayso/safrayso

  • Baadhayaasha Maamulka Ammaanka Gaadiidku (TSA ) awood uma laha in ay:
    • Kugu soo bar-tilmaameedsadan baadhitaano dheeraad ah ama su’aalo iyaga oo ku salaynaya diintaada, isir ama dabagal qowmiyadeed.
    • Ku waydiiyaan su’aalo guud, iyada oo aan la hayn macluumaad la isku hallayn karo, taas oo u horseedaysa iyaga inay aaminaan in aad sharci jebisay. Tusaale ahaan, kuma waydiin karaan noloshaada shaqsiga ah, meesha aad waqti ku qaadato, ka shaqayso ama ku cibaadaysato.
    • Gacmaha kaa xidhaan ama dharka kaa siibaan si ay kuu baadhaan.
  • Waaxda Socdaalka Xuduuduhu (CBP) WAXAY AWOODA INAY:
    • Ku waydiiso:
      • Dhalashadaada/muwaadinmadaada
      • Nooca iyo ujeedadda safarkaaga
      • Wax kasta oo aad kula soo laabanayso Maraykanka kaas oo aanad sidan markii aad ka tagtay.
    • Ay baadho shandadaada iyo waxkasta oo ku jira.
    • Inay qolof ahaan kaaga qaadi karaan qalabkaaga elektarooniga ah, laakiin kuguma qasbi karaan inaad furto. Waxa jira xadad sheegaya inta macluumaad ah ee Waaxda Socdaalka Xuduuduhu (CBP) baadhi karaan. Macluumad dheeraad ah karaadso cutubka CAIR ee gudaha.
  • Waaxda Socdaalka Xuduuduhu (CBP) AWOOD UMA LAHA INAY:
    • Kugu soo bar-tilmaameedsadan baadhitaano dheeraad ah ama su’aalo iyaga oo ku salaynaya diintaada, isir ama dabagal qowmiyadeed.
    • Ku waydiiyaan su’aalo guud, iyada oo aan la hayn macluumaad la isku hallayn karo, taas oo u horseedaysa iyaga inay aaminaan in aad sharci jebisay.. Tusaale ahaan, kum waydiin karaan noloshaada shaqsiga ah, meesha aad waqti ku qaadato, ka shaqayso ama ku cibaadaysato.
  • Sidee bay waxa dhaca markaad aad isticmaasho xuquuqdaada aamusnaanta ee xuduudahu u saamaynaysaa xaaladdaada magan-galyo doon?
    • Muwaadiniinta Maraykanka looguma diidi karo inay dalka soo galaan diidistooda inay su’aalo ka jawaaban. Ka aamusidaada su’aaluhu waxay kugu sababi kartaa dib u dhac.
    • Dadka haysta Kaardhka Cagaaran (Green Card) looma diidi karo gelista dalka iyado oo safarkoodu aanu gaabnayn ama bilaa danbi ahayn maahane, marka loo eego qodobka sharciga USC 1101(a)(14). Si kastaba ha ahaate, su’aalo ka aamusku wuxu keeni karaa dib u dhac.
    • Ajaanibka dalku galka haysta waa loo diidi karaa gelista dalka hadii ay hogaansami waayaan. La xidhiidh sharciyaqaan ka hor intaanad waddanka ka bixin.
  • Rakaab diyaaradeed ahaan, Waxa aad xaq u leedahay in ay shaqaalaha diyaaradda iyo amniguba kuula dhaqmaan si xushmad iyo karaamo leh. Waxa aad xaq u leedahay in aad cabasho ka gudbiso dhaqanka aad u aragto takoorid. Hadii aad rumaysantahay in si takoorid ah laguula dhaqmay , si degdeg ah:
    • U waydiiso magacyada iyo aqoonsiga dhammaan shaqsiyaadka ku lug leh dhacdada. Hubi inaad macluumaadkan qorto.
    • Dalbo inaad la hadasho kormeeraha goobta.
    • Waydii bal in dadka lagaaga soo saaray sababtoo ah magacaaga, muuqaalkaaga, labbiskaaga, isirkaaga, qowmiyadaada, diintaada ama meesha aad ka soo jeedo dhalasho ahaan.
    • Waydiiso qof markhaati ah inuu kuu qoro magaciisa iyo meesha lagala soo xidhiidhayo.
    • Qor waraaqda xaqiiqda isla marka dhacdadu dhacday ka dib. Hubi inaad qorto numberka duulimaadka, taariikhda duulimaadka iyo magaca shirkadda diyaaradda.
    • La xidhiidh Golaha Xidhiidhka Islaamka ee Maraykanka (CAIR) si aad u soo gudbiso cabasho.
  • Duuliyaha diyaaraddu wuu diidi karaa inuu qaado qof rakaab ah hadii uu si macquul ah u rumaysan yahay marka uu fiirsho in qofkaasi khatar ku yahay ammaanka duulimaadka.  Duuliyuhu, si kastaba ha ahaatee, kuma warsan karo ama kuuma diidi karo in aad raacdo diyaaradda sababo la xidhiidha takoor ay ka mid yihiin diin, halka aad dhalasho ahaan ka soo jeeddo, Jinsi, qawmiyad amase siyaasadda aad aaminsan tahay.

Know Your Rights with Law Enforcement

Ogoow xuquuqdaada ku aaddan dhaqan-gelinta sharciga

  • Xuquuqdaada marka aad la kulanto iyadoo sharciga la dhaqan gelinayo.
    • Xaq ayaad u leedahay in aad ka aamusto diidona in aad ka bixiso wax jawaabo ah su’aalo la xidhiidha dhaqan-gelinta sharciga (madaniga, goboleed, ama heer federaal). Diidmada jawaabista laguuma isticmaali karo mana tusayso in aad wax qarinayso. Dhaqan gelinta sharcigu waxay ku waydiin kartaa aqoonsigaaga ama diiwaangelinta gaadhigaaga. Laakiin joojintaasi waa mid gaaban su’aalo kale laguma waydiin karo.
    • Waxa aad xaq u leedahay in aad soo xaadiriso abukaate ama sharciyaqaan marka aad la hadlayso dhaqan gelinta sharcig (madaniga, goboleed, ama heer federaal) xitaa hadii aanad xidhnayn ama dhib ku jirin. Xuquuqdaas waxa leh dhamaan shaqsiyaadka, muwaadiniinta iyo ajaanib.
    • Ajaaniibka waajib kuma aha inay ka jawaabaan  su’aalo la xidhiidha xaaladooda socdaal.  Ha ka been sheegin muwaadinimadaada hana gudbin dukumeentiyo been ah.  Iska ilaali qaadashada aqoonsiyada beenta ah.
    • Wakaaladaha dhaqan-gelinta sharcigu waa in ay haystaan ogolaansho baadhitaan si ay u soo galaan gurigaaga. Hadday dhahaan waan haysanaa waaran ama ogolaansho codso in aad aragto inta aanad u ogolaan soo gelista. (Daaqadda ha kaa tusaaan, ha ka soo dusiyaan albaabka hoostiisa, iwm.) Waaranku wuxu caddaynaya waxa la raadinayo waana inuu saxeexaa xaakin. Hadii waaranku aanu dhamays tirnayn ama aad qalad aragto, waxa aad tidhaahdaa “Ma ogoli baadhitaan”. Muxtarim iyo akhlaaq lahaw xusuusnowna in aad xaq u leedahay in aad aamusnaan karto. Hadii aad leedahay abukaate, la xidhiidh sharci yaqaankaaga si degdeg ah teleefankana ku jir inta lagu baadhayo. Qoro, ama duub, wixii la qaaday iyo intii la baadhay bale ha faro gelin baadhista. Waaranka baadhistu ma ogolaanayo ama xaq siin maayo in lagu xidho. Si kastaba ha ahaatee,  way ku xidhi karaan iyagoo eegaya alaabta baadhista lagu helay. Ha diidin xadhiga.
    • Been-sheegid, marin habaabin, ama sheegist hadalo aan is qaadanayn ee loo sheego dhaqan gelinta sharciga waa dembi, waana in aan la samayn xaalad kasta oo jirta.
  • Waxa ay tahay inaad samayso hadday dhaqan-gelinta sharcigu kuu yimaadaan:
    • Hadii aad guriga joogto, debedda u bax albaabkana soo xidh inta aanad la hadlin.
    • Hadii aad shaqada joogto, Ka kaxee meeshaada khaaska ah ee shaqo.
    • Hadii lagu soo waco, aad meel aamusan oo bilaa buuq ah.
    • Waydii sarkaalka ama se wakiilka kaadhkooda shaqada amase magaca wakaaladooda, magaca sarkaalka/ wakiilka, telefoon amase email.
    • Dabadeed si xushmad leh u dheh “ Sharci-yaqaankayga ayaa kula soo xidhiidhaya” dhameena wada hadalka.
    • La soo xidhiidh CAIR si degdeg ah si aad u hesho caawimaad sharci.
  • Waxay ay tahay inaad samayso hadii ay dhaqan gelinta sharcigu kuugu yimaada shaaraca:
    • Hadii ay ku joojaan adiga oo lug ah, waajib maaha inaad ka jawaabto wax su’aal ah, balse bixinta magacaaga, ciwaankaaga, iyo da’daada hadii lagu waydiiyo ( iyo aqoonsigaaga hadii lagu siiyay) waxay kaa caawin kartaa inaan lagu xidhin.
    • Ha doonan shandaada amase jeebka gacanta ha gelin adiga oo aan u sheegin sarkaalka waxaad samayn rabto ( waxay u malayn karaan in aad hub la soo baxayso).

 

  • Hadii aad xidhantahay:
    • Hadii aad xidhantahay, Boolisku waxa uu xaq u leeyahay inuu baadho adiga iyo inta kugu hareeraysan. Hase ahaatee, waa in aad si xushmad leh u tidhaahdaa “Ma ogoli in la I baadho.”
    • Sarkaalku waa inuu akhriyaa xuquuqdaada Mirandaha ka hor intaanu ku baadhin, taaso ay ka mid tahay xuquuqda inaad aamusi karto iyo inaad abukaate dalban karto. Si aad u ilaashato xuquuqdaada aamusnaanta, waa inaad si xushmad leh oo cad u tidhaahda, “ Waxaan rabaa inaan aamusnaado” Aamusnaanta laguuma adeegsan karo. Sido kale waa inaad si cad ugu adkaysaa xuquuqdaada abukaate dalbasho tidhaahdana “Waxa aan rabaa in aan la hadlo sharci-yaqaan.” Hadii aad ka yartahay 18, waxa aad sidoo kale dalban kartaa in aad la hadasho waalidkaa ama masuulkaaga. Marka aad sheegato dalbashada sharciyaqaanka ha la hadlin booliska ilaa aad la kulanto abukaataha.
    • Waxa aad xaq u leedahay inaad waydiiso sarkaalka magaciisa iyo numberka aqoonisgiiga shaqo. Gagmahaagu ha ahaadaan meel boolisku ka arki karo. Ha is adkayn, ha cararin hana taaban sarkaalka. Is deji oo ha murmin. Hadii gaadhi boolis lagu ag ama dhex dhigo, xitaa hadii boolisku aanu dhawayn oo aad u malaynayso inaad keligaa tahay, ogow in dhici karto in waxaad tidhaahdo la duubayo.
    • Marna ha bixin macluumaad bee ah.
    • Hadii aad haysato telifoon, wakiilada dhaqan-gelinta sharciga looma ogola inay baadhaan iyaga oo sita waaran maahane ama aad adigu u ogolaaay.

Summary of Content for KYR Materials

Ogow xuquuqdada arday ee iskuulada dawladda

  • Shuruucda goboladu waa kala duwan yihiin laakiin guud ahaan waxay amrayaan dugsiga inuu kaa ilaaliyo caga-juglaynta iyo takoorka.
  • Xaqbaad u leedahay inaad soo sheegto, waa inaad weliba soo sheegto, cawaandada iyo caga-juglaynta ka dhacda dugsiga.
  • Ardaydu xaq ayay u leeyihiin inay siday doonaan u hadlaan una labbistaan. Hadii laguu sheego inaad u hogaansanto sharci dugsiga ah oo kuula muuqda takoor la soo xidhiidh CAIR.
  • U soo sheeg CAIR cawaandadda iyo caga-juglaynta ka dhex dhacda dugsiga.

 

Ogow xuquuqdaada shaqaale ahaan

  • Waxaad xaq u leedahay aaminaada iyo ku camal-falka diintaada sida, inaad gadh la baxdo, hesho fasax aad ku tukato, xidhato xijaabkaaga iyo inaad u baxdo Salaadda Jumcaha oo uu qofka ku shaqaalaysiiyay kuu suure geliyo.
  • Qofka aad u shaqaynaysaa waa inuu hubiyo in aanad la kulmin aflagaado ka dhan ah Muslim ahaanshahaga, caga-juglayn amase diin beddel dalbid xad dhaaf ah.
  • Waa sharci darro in qofkaad u shaqaysaa kaa aargoosto marka aad ka buuxiso cabasho takoorid.
  • U soo sheeg CAIR cunsurinmada iyo cago-juglaynta ka dhex qabsata goobta shaqada.

Ogow xuquuqdaada dhaqan-gelinta sharciga

  • Xaq ayaad u leedahay inaad aamusto diidona inaad ka jawaabto wax su’aalo ah oo ay ku waydiiyaan qolyaha dhaqan-gelinta sharcigu(Booliska).
  • Wakaaladaha dhaqan-gelinta sharcigu waa inay haystaan waaran sax ah oo u oggolaanaya inay gurigaaga soo galaan baadhaana.
  • Ajaanibka waajib kuma aha inay ka jawabaan su’aalaha la xidhiidha xaaladooda socdaal. Been haka sheegin muwaadinimadaada hana la iman dukumeentiyo been ah.
  • Hadii lagu xidho,codso inaad la hadasho abukaat, intaa ka dib ha la hadlin booliska ilaa intaad kala kulmayso abukaataha.
  • La xidhiidh CAIR si aad usoo sheegto caga-juglaynta iyo takooridda boolisku kugu sameeyo.

Ogow xuquuqdaada markad socdaalayso

  • Maamulka Ammaanka Gadiidka (TSA) iyo Waaxda Socdaalka ee Xuduudaha (CBP) kuguma soo bar-tilmaameedsan karaan baadhitaan iyo su’aalo dheeraad ah oo ku salaysan diin, isir, amase dabagal qawmiyadeed.
  • CBP waxa ay qolof ahaan u qaadan kartaa alaabtaada elektarooniga ah, laakiin kuguma khasbi karaan inaad furto. Waxa jira xadad sheegaya inta macluumaad ah ee CBP baadhi karto. La xidhiidh CAIR wixii macluumaad dheeraad ah.
  • Muwaadiniinta Maraykanka looma diidi karo inay dalka soo galaan hadii ay diidaan inay ka jawabaan su’aalaha. Has ahaatee, jawaab diidistu waxay keenaysaa dib dhac.
  • Dadka haysta Kaadhka Cagaaran ( Green Card) looma diidi karo inay dalka soo galaan iyadoo safarkoodu aanu gaabnayna bilaa danbina ahayn maahee sida uu sheegayo sharciga USC 1101(a)(14). Has ahaatee, jawaab diidistu waxay keenaysaa dib dhac.
  • Ajaanibka haysta dalku gal waa loo diidi karaa inay dalka soo galaan hadii ay diidaan inay hogaansamaaan. La hadal abukaate intaanad ka bixin dalkaaga.
  • La xidhiidh CAIR si aad u soo sheegto caga-julayn ama takoorid aad la kulantay intad socdaalaysay.

Side looga fal-celiya dhacdooyinka iyo fal-dambiyeedada nacaybka

  • Waxay tahay inaad samayso dhacdo ama fal-dambi nacayb ka dib:
    • Hadii lagu soo weeraro ama aad dareento inaad khatar ku jirto, si degdeg ah u wac 911.
    • Raadso daryeel caafimaad iyo maskaxeed. Hayso waraaqaha daawayn kasta oo aad hesho.
    • Diiwaan geli xaaladda. Qor wixii dhacay, luuqadda la isticmaalay, hadii ay kula saxnaatana sawiro ka qaad.
    • Hadii aad ku jirto xaalad aan degdeg ahayn, aadna ka werwersan tahay xaaladdaada socdaal, Fadlan la xidhiidh abukaate socdaal si aad uga hesho talo ku saabsan sida soo sheegidda arintani u saamayn doonto kiiskaaga socdaal/qaxoontinimo.
    • Soo sheeg. Si dhacdada wax looga qabto, loona hubiyo inaanay dadka kale la kulmin dhacdadan usoo sheeg CAIR.